Madaxweyne Deni oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu, isagoona u magacaabay Masuuliyiin cusub.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.10 January 12, 2020 kusoo saaray magacaabis iyo xil-kaqaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
  2. Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
  3. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah:

3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye
3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

= DHAMMAAD=


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading