Madaxweyne Deni “Suxufiyiinta Puntland waxay ka qeyb-qaateen dhismaha Dowladnimada”

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo ugu hambalyeeyay Suxufiyiinta Puntland Munaasabadda maalinta xoriyadda saxaafadda Adduunka, ayaa sheegay in Suxufiyiinta Puntland ay door muhiim kasoo qaateen dhismaha dowladnimada iyo hormarka Puntland.

“Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da May darteed, waxaan u hambalyeeynaya dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Suxufiyiinta Puntland.”

“Suxufiyiinta Puntland waxay door muhim ah kasoo qaateen dhismaha Dowladdnimada iyo horumarka, waana ku bogaadinaya sida howlkarnimada leh ee ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeynayaan.”

Idil Television


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading