Madaxweyne Farmaajo miyuu aqbalay wada hadal laga galo muranka Badda Ee kenya?

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda dalka kenya.
 
Madaxweynaha ayaa dalkaas u tagaya bilaabida si rasmi ah wada hadal ay labada Dowladood ee Kenya iyo Somaliya uga bilaabanaya xuduuda dhanka Badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin.
 
Xogaha ay helayso idil News,ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo la taliyaashiisa ay arinka xuduuda Badda ee labada dal ay isku hayeen ay aqbaleen in wada hadal laga galo,isla markaana socdaalka uu ku tagayo Madaxweyne Farmaajo kenya uu noqon doono fadhiga ugu horeeya ee lagu bilaabayo wada hadaladaas.
 
Iyadoo Dowlada Fadaraalka Somaliya ay ka feejigan tahay kacdoonka shacabka ee ku aadan arintan xuduuuda Badda ee xasaasiga ah ayay gacanyarayaasha Villa Somaliya ,gaar ahaan Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo ah awooda qarsoon ee Villa Somaliya sida dadban u hogaamisa qorshaynayaan in saxaafada loo gudbiyo in Madaxweynuhu usocdo Norway oo uu kaga qaybgalayo shirka Norway Furum sidaasna kenya kusii marayo.
 
Waxaa xusid mudan in Dawladda Norway ay waqti dheer ku hawlanayd sidii ay Badda Somaliya ee dhinaca Kenya u gacan geliso Kenya si ay Norway uga baarto Shidaal
 
Somaliya iyo Kenya ayaa isku haya Xuduud badeed la sheegay in uu dhex ceegaago Shidaal aad u fara badan,waxayna labada Dowladood murankooda la aadeen dhanka Maxkamada Caalamiga ah ee Heeg,
 
Dhawr jeer oo ay Maxkamada caalamiga ah ka fariisatay arinkan amuranka Badda,waxaa ugu danbayn la filyay go’aan kasoo baxa Maxkamadaas,balse Dowlada Farmaajo markay ay la wareegtay hogaaminta Villa Somaliya waxay umuujisay dabacsanaan Dowlada kenya.
 
Dowladihii ka horeeyay Dowlada Farmaajo,ayaa arinkan xuduuda Badda ka muujiyay dadaal iyo hawlkarnimo,waxayna soo gaarsiiyeen meel fiican ,iyagoo ka fogaaday in arinka lagu dhameeyo wada hadalo dhexmara labada Dowladood ee kenya iyo Somaliya.
 
Waxaa muuqata in Dowlada Farmaajo ay diyaar u tahay markan in ay wda hadal ka gasho muranka xuduuda Badda,taasoo ah sida ay Dowlada kenya ay danaynaysay mudo dheer..
 
Hadii ay Dowlada Somaliya si rasmi ah u aqbasho wada hadal ay kala gasho Dowlada kenya muranka Xuduuda Badda ee labada Dal,waxayna noqon doontaa khiyaamo qaran.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading