Madaxweyne farmaajo oo booqanaya dalalka kenya ivory coast.

Madaxweynaha Dawladda dhexe  ayaa  berri u ambabaxaya   magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda berrito lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta .

 

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Munaasabdaas .

 

Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Caleema-saarka waxaa ka mid ah Hoggaamiyaayasha dalalka Djibouti, Uganda, Tanzania, Ethiopia, Zambia, Botoswana, Togo, Namibia iyo Rwanda.

Waxaa kaloo Munaasabadaasi lagu casuumay Madaxweyne-ku-xigeeno ama Ra’isul-wasaarayaal ka kala socda dalalka Nigeria, Angola, Kongada Dimquraadiga, Burundi, Yemen, Gini, Senegal iyo Yuhuudda.

 

Wafuudda Heerka Wasiirka ee ka qeyb geli doono Calaeema-saarka Uhuru Kenyatta waxay ka kala imaan doonaan dalalka Britain, South Afrika, Yukrayn iyo Hindiya.

Dhinaca kale, Wafdiga Dowladda Maraykanka u matali doona Munaasbadaasi waxaa hoggaaminaya Danjirahooda u jooga Kenya, Ambassador Robert Godec.

 

 

 

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu ka  qeyb geli doonaa Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe, kaasi oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista lagu qaban doono magaalladda Abijaan ee dalka Ivory coast.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading