Madaxweyne Farmaajo oo goor-dhoweyd gaaray Beledweyne

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Beledweyne u tagay u kuur galidda xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta magaalada oo ay saamayn balaaran u gaysatay fatahaadii uu ka sameeyay wabiga Shabeelle.

Gurmad loo fidinayo dadka reer Beledweyne ayaa guud ahaan ka socda dalka, waxaana haatan markii ugu horeysay sidii ay u bilaawdeen fatahaaduhu gaaray magaalada Beledwyne Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading