Madaxweyne Farmaajo Oo ka codsaday Madaxweynaha Masar in Uu dhexdhexaadiyo Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas raaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
 
Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka,
 
Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal.
 
Arimaha ay isla soo hadal qaadeen in si wadjir ah loo wajaho ayaa waxaa kamid ah xiisada ka dhex taagan labada dal ee Imaaraadka iyo Somaliya,iyadoo Madaxweyne Farmaajo ka codsaday Madaxweyne Sisi in uu ukala dabqaado labada dowladood oo si rasmi ah u dhexdhexaadiyo.sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kasloonaan karo.
Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xaaladaha haatan ka taagan Dalka iyo guud ahaan Gobolka.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading