Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Maxamed Qanyare Afrax

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan dowladdii KMG aheyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuum Qanyare uu qeyb weyn ka soo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee dalka ka dhacay.

“Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir & Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii siyaasadda ee dalka soo maray kaddib burburkii dowladdii dhexe, waxaana sanadihii u dambeeyay la sheegay in xanuuno kala duwan soo wajaheen, taasoo sabab u noqotay in sanadkii 2012 wixii ka dambeeyay inuu siyaasadda ka baxo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading