Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Shiinaha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegaya dalka Shiinaha, kaasoo noqon doonaa markii ugu horeysay ee uu dalkaasi tago.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida madaxda Afrika ee ka qeyb galeysa Shirka Iskaashiga ee Shiinaha iyo Afrika oo 3-da bisha September ka furmaya magaalada Beijing, waxaan ka qeyb galaya inta badan madaxda Afrika.

Shiinaha ayaa si gaara u daneyneynaya muddooyinkan danbe arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkado Shiinees ay doonayaan inay maalgelin ku sameeyaan Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan in wafdiga madaxweyne Farmaajo ay Shiinaha kula kulmi doonaan shirkado kala duwan oo Shiinees ah.

Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo 3-dii sanaba mar la qabto ayaa sanadkii 2015 lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, iyadoo Shiinuhu noqday dalka ugu horeeya ee maalgashiga ku sameeya Afrika.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading