Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg-deg ah iskugu yeeray Saraakiisha laamaha amniga Fadaraalka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.
 
Kulanka oo ka soconaya Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Baashi C/llahi Cabdi wariyaha Warbaahinta Qaranaka u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya uu soo sheegayo in uu kulanku yahay mid looga Arinsanaayo Amaanka Dalka.
 
Ujeedad kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaan Caasimadda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading