MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta Xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed, isaga oo kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Booliska.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha kala duwan oo uu ka kooban yahay taliska,waxaana uu saraakiisha kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa Booliiska iyo shacabka si loo xaqiijiyo Amniga Caasimadda.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Saraakiisha ciidanka booliska inay kordhiyaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.
Taliya Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu uga digay Saraakiisha Booliska in lagu xadgudbo Shacabka,sidoo kalena lagu kaco musuq maasuq waa sida ay hadalka u dhigtay.
Daawo.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.