Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay La-taliyihiisa Arrimaha Doorashooyinka

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdi Cali Raagge La Taliyihiisa Arrimaha doorashooyinka iyo Siyaasadda. Mr Raagge ayaa horay La Taliye sare u ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase ahaatee waxaa ay isku dhaceen sanadkii ka hor, xilligii doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan xogo rasmi ah.

Tani ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dad-ban, maadaama uu ninka uu u magacaabay arrimaha doorashooyinka uu yahay nin horay uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waxaana laga yaabaa inuu uga mid noqdo Guddiyada Farsamo ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee ka baaraan-dagi doona nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.

Cabdi Cali Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading