Madaxweyne farmaajo oo todobaakan gudihiisa usafaraya dalka dibadiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in todobaadkaan Gudihiisa uu u safro Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.
 
Madaxweyne farmaajo ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfitaax Al-siisi,
 
Labadda Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada xaajoon doona xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada dowladda Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK..waxuuna noqon doonaa safarkan kii sideedaad oo uu dalka uga baxo.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading