Madaxweyne Farmaajo Oo U dhoofay Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyay wafti horudhac ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Axmed.

Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaalada Yemen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay gaartay dowladdiisa mudadii sanadka aheyd.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Sacuudiga ayuu kula kulmi doonaa Madaxda ka socota dalalka Carbeed ee shirka ka qeyb galaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading