Madaxweyne Farmaajo oo u mahadceliyay Baarlamaanka fadaraalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay mudanayasha Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen.

 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhanka dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan baaqa dowladda oo ay ka soo tegaan kooxaha dhibaateynaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota ay dowladdu ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka.

Guddoomiyaha Baarlaamanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiray kalfadhigii maanta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo oo u mahadceliyay Baarlamaanka fadaraalka"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading