Madaxweyne Farmaajo oo waraaqahoodii aqoonsiga ka gudoomay Safiiro cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.


Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalka.


Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading