Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Labo kamid ah Guddoomiye ku-xigeenada Gobalka Banaadir, isagoona magacaabay bedelkooda.
- Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan.
- Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidoow, oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaana xilka loo magacaabay Mudane Cumar Cali Cabdi.
Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud ee G/Banaadir
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.