Madaxweyne Faroole oo ka Tacsiyeeyay Geerida Shuuke

Waxaan tacsi tiiraanya leh ka diraya geerida naxdinta leh ee ku timi walaalkey, saaxibkey Cabdirahman Cabdulle Cismaan ( Shuke), Allaha u naxariiste, oo Jimcaha maanta Oct 4,2024, ku geeriyoday magaalada Nairobi dalka Kenya.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaya xaaskisi Hawa Aden Camey, qoyska rer Abdulle Othman, ehelada kale iyo asxaabtiisi tirada badan, dadka rer Puntland iyo rer Somalia oo dhan. Ilaahey ha ka samir siiyo, isaga na dembigisa Allaha dhaafo oo Jannadi Firdowsa ha geeyo. Aamiin yaa Allaah.

Abdirahman-Shuke AUN waxa uu ahaa aqoonyahay iyo siyaasi ruugcadaa ah ee cimrigiisi oo dhan u adeegayay dadka Somalia. Wuxu ka mid aha bahda taclinta Somalia ee uu heer kasta ka so maray, ila u ka noqday Waiirka Taclinta ee Somalia, ka hor burburki 1991.

Shuke AUN waxan ku wada dhalanay degmada Eyl ee Gobolka Nugal halkaas oo uu macalin ka noqday Dugsiga Hose, isaga oo aad u dhalinyar 1950s, aniguna aan markaas dugsigaas dhiganaayey. Waxaa lagu xususta Shuke taarikhdisi dheered ee waxtarka u lahayd waxbarashada Somalia oo dhan . Si gaar, intu Qaybta Qorsheynta joogay dabadeedna uu Wasirka ka noqday, wuxuu Goboladan Puntland, oo gaari waa loo yaqiin, ka dhisay Dugsiyada Sare iyo Machadyada hadda ku yaal.

Abdirahman- Shuke, AUN, wuxu haa ninka ugu waxtar badan ee u dhashay Gobolada Puntland, inti dowlad Somalia ay jirtay.

Ilaahey ha ka ajar siiyo waxtarkisi. Inti burburku dhacay ee Puntland la dhisay na, wuxu aha hogamiyaha Heyadda caan ka ah PDRC ee Garowe taas oo uu ka dhigay Madal Cilmi Baaris Caalami ah ee lagu so hirto ( Somali Leading Civil Society Center). Abdirahman-Shuke Ilaahey ha naxaristo anaga oo dhan ha naga samirsiiyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading