mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ahaana kii ugu naxariista darnaa,isla markaana ahaa xasuuqe caanka ku ahaa xasuuqa shacabka Somaliyed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
Qeybdiid ayaa doorasho la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen in Qeybdiid uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraallka Soomaaliya.
Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6-cod halka Madaxweyne faroole uu ka helay 4-cod.
Waa arin waji gabax ku ah Madaxweyne faroole markii laga eego dhinacyo badan.
Dhanka kale dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ee la qorshaynayo ayaa waxaa hada soo wajahay walwal madaama mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii xasuuqa shacabka caanka ku ahaa loo doortay Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.