Madaxweyne Gaas ma qaadan doonaa go’aankii taariikhiga ahaa Ee Léopold Sédar Senghor

Léopold Sédar Senghor waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Senegal xukumayay sanadihii (1960–1980). Ninkaasi markuu si fiican u caateeyay dalka, Maalkii Senegalna uu lunsaday ayuu markii u danbaysey intuu keligii dib isugu laabtay oo fekeray ayuu shacabkiisii toos ula hadlay oo ku yiri.

Reer Senegaloow wixii iga khaldamay dib uma soo celin karo laakiin waan tegayaa, kursigana waan banaynayaa ee ii duceeya.

Hadaba ilaa hadda mudanahaas Reer Senegal way jecelyihiin maadaama uu shacabkiisii u qirtay in maamulkiisii wax ka khaldameen, kursigiina ka degay.

Ninkaasi wuxuu ahaa geesi khaldamay oo gartay in mar haddii talada dalka aad ku fashilanto ooy meel xun kula marto in lagu soo celiyo shacabkii dalka lahaa cafisna la weydiisto.
Qirashadaas sumcad iyo magac ayuu kaga helay shacabkiisii.

Cabdiweli Gaas ee Puntland waxaan ogahay inaanu samaynayn sidii Léopold-kii Reer Senegal waayo ninkaasi wuxuu ahaa qoraa caan ah, gabyaa caan ah arigti dheerna leh, aduunyadana laga yaqaanay rabayna inuu magac (legacy) ka tago.

Halka Mudane Gaas aanay ka muuqan inuu bal hal mar dib isu fiiriyo oo cafis dalbado, iskaba daa inuu dib isu xisaabiyo’e taa bilcaksigeeda wuxuuba tafaxaydasho ugu jiraa muddo kororsi ama siduu dib ugu soo laaban lahaa..

History will judge you harshly…!


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading