Madaxweyne Gaas Oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan safar dhawr bari qaatay ku joogay caasimada dalka Kenya ee Nairobi,ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada Puntland ee Garowe.
 
Soo laabashada Madaxweynaha ayaa saxaafadu aysan la socon,waxuuna kasoo degay Garowe saacadu markay ahayd sideedii subaxanimo.
 
Madaxweyne Gaas,ayaa kulamo kula qaatay intii uu Nayrobi joogay diblomaasiyiinta beesha caalamka ee ku sugan dalkaas,gaar ahaan waxuu kulan la qaatay masuuliyiinta hay’ada GTZ ee iyadu gacanta ku haysa mashruuca dib u dhiska wadada Galkacyo ilaa Garowe.
 
Ilaa iyo hada xog rasmi ah lagama hayo guusha uu ka gaaray Madaxweynuhu safarkiisi Nairobi.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading