Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.

Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.





Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.