Madaxweyne Karaash oo kormeeray bangiga dowladda (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay masuuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading