Madaxweyne Karaash oo kormeeray goobaha codbixinta Ufeyn (VIDEO)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray qaar ka mid goobaha ay ka socoto doorashada codbixinta golaha deegaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maanta shacabka Puntland ay u tahay maalin taariikhi ah, xukuumadduna ay xaqiijisay hirgalinta mid ka mid balan qaadyadii shacabka Puntland ay u samaysay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeebka ayaa bogaaadiyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo howl wadeenada kaleba shaqada ay hayaan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kana faa’idaystaan fursadda qaaliga ah ay haystaan.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading