Madaxweyne Karaash oo xariga ka jaray buundo cusub oo laga hirgaliyay Garoowe (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe.

Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka caasimadda iyo saxmada wadooyinka kale ee magaalada.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa ku boggaadiyay dowladda hoose ee magaaladda Garoowe iyo shirkadaha ka qeyb-qaatay dhismaha Buundada, isagoona kula dar-daarmay dowladda hoose ee caasimadda inay sii laba jibaarto shaqada wanaagsan ee ay hayso bulshada.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa munaasabaddan wehelinayey, Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Booliska , Duqa magalaada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading