MADAXWEYNE KU XIGEEN AXMED KARAASH OO FURAY SHIRKA MAAMUL DAADEJINTA PUNTAND

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland.

Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan-lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading