M.xigeenka PL oo daah-furay Shirweynaha shaqa abuurka dhalinyarada.

Garoowe: 20 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa daah-furay Shirweynaha shaqa abuurka dhalinyarada Puntland.

Shirkan oo soconaya mudo labo casho ah ayna soo qaban qaabiyeen Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland ayaa diirada lagu saarayaa mudada uu socdo shaqo abuurka dhallinyarada iyo sidii xal waara loogu heli lahaa shaqo la’aanta.

Kulanka waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowlada, Hay’addo Caalamiya, Ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading