Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay Xaflad ka dhacday Stockholm+Sawirro

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka qeyb-galay Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden.

Xaflada oo aheyd mid lagu soo dhaweynayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Reer Puntland ee Sweden, waxaana kasoo qeyb-galay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa hadalo ka jeediyey Isimo, Odayaal, Aqoonyahano, Xubno ku hadlay Magaca Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sida Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo dhammaantood soo dhaweeyey waftiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Siciid Nuur Qaas oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Dalka Sweden, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraday muhiimada safarka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland u lee yahay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalkaas, isagoona sidoo ku amaanay Madaxda iyo Shacabka Reer sida ay uga wada-shaqeeyaan Nabadda iyo Hormarka Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo Xafladda ka hadlay ayaa mahad-celin u jeediyay Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Sweden iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, isagoona warbixin ka siiyay Xaalada Guud ee Dalka iyo Is-bedelada dhinacyada Amniga iyo Hormarka ah ee Puntland ka socda, isagoona kula dar-daarmay inay ka qeyb-qaataan Hormarka ka socda Dalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading