Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyadda (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu booqashada ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar, ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogteeyey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Feebaraayo 20. 2019 Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kormeerka ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Madaxtooyada, Madaxweynuhu waxaa uu kormeerkiisa uga gollahaa korjookteynta shaqada xafiisyada sida ay u socoto, Madaxweyne ku-xigeenku mid mid ayuu u galay xafiisyada waxaana uu shaqalaha ku booriyey shaqada adag ee ay hayaan”.Ayuu yiri kusimaha Agaasimaha xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

“Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto uga soo dhalaalaan shaqada muhiim ka ah ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba”. Ayu yiri Agaasimuhu

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading