Madaxweyne Lafta-gareen oo furay Kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka KGS (Daawo)

BAYDHABO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu k furay Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas.

Sidoo kale, Kulanka waxaa ku sugnaa Inta badan Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,iyada oo ay khubad ka jeediyeen Madaxweyne laftagareen iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa kulanka Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in Maalinta Arbacadah ah ee soo socota la horgeyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Madaxweyne Cabdi Casan laftagareen ayaa dhankiisa waxa uu Xildhibaanada ka codsaday inay u ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay,si howlaha kale ee Maamulka uu u sii wado.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading