Video:-Madaxweyne Mustafe Oo magacaabay Talyayaasha Ciidamada Deegaanka

Madaxweynaha maamulka Soomaalida Mustafe Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka.

 

Taliyeyaasha Liyu booliska.

Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska.

Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.

Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska.

Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska.

Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska.

 

Taliyeyaasha booliska caadiga.

 

Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.

Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.

Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta.

Jagooyinka dhanka maamulka

Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka.

Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahood uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka,hoos akd aawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading