Madaxweyne QoorQoor oo safar deg deg ah ugu baxay Nairobi

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa goordhow safar degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilli maalinimada berrito ah uu Muqdisho ka furmayo Shirka wada-tashiga arrimaha Doorashooyinka ee Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.

Madaxweyne QoorQoor ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ka raacay diyaarad ay lee yihiin UN-ka, lamana ujeedada rasmiga ah ee socdaalka QoorQoor ee Nairobi.

Wararka ayaa sheegay in xaalada Caafimaad uu QoorQoor ugu baxay magaalada Nairobi, Sidoo kalena uu aroornimada berrito ah dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading