Madaxweyne Shariif Xasan Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowladaa Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo isagoona si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay waxaana ku weheliyay soo dhaweynta qaar ka mid ah labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Rayidka ah.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka qeyb geli doono Shirka golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka  ee ka furmaya Guriga Nabadda ee Magaalada Kismaayo.

 

Halkan ka daawo sawirada:-

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading