Madaxweyne Trump oo 1-da Luuulyo Ugu hanbalyeeyay shacabka Somaliyed

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading