Madaxweyne Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar.

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweynha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa markale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaali ah kana tirsan aqalka Congress­ka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano neceb Mareykanka xilli uu khudbad ka jeedinayey shir looga hadlayay siyaasadda, waxaana dadkii shirkaasi joogay ay ku dhawaaqeen Magaca Ilhaan Cumar.

Waxa uu sheegay inay hayaan dad Xildhibaano ah kana tirsan Aqalka Hoose Mareykanka,isla markaana Neceb Mareykanka ,waxaana  hadalkaasi uu noqday mid aad loo hadal hayo.

Dhawaan ayaa waxaa jirtay dood adag oo u dhaxeysay Trump iyo Ilhaan Cumar taas oo u muuqata in markale uu dib u soo kicinayo Trump,waxana Ilhaan Cumar ay aad u cambaareysaa siyaasada uu ku dhaqmo Madaxweyne  Trump.

Aqalka a Congress­ka Mareykanka ayaa waxaa ku jira kadib markii ay dhawaan ku guuleysteen laba Haween Muslimiin ah oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Falastin,waxaana lagu kala magacaabaa Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.

Hayeeshee Trump ayaa aad ugu kacsan Ilhaan Cumar,isaga oo dhawaan ugu baaqay inay xilka iska casisho,balse taasi ay kasoo horjeesatay,isla markaana ay sheegtay in isaga uu mudan yahay in uu is casilo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading