Madaxweyne Waare oo gaaray Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray maagalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah ee Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweyne Waare waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan labada gole ee Hirshabeelle waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagaree, xildhibaanno, wasiirro iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Baydhabo u tagay si uu uga qayb-galo shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading