Madaxweyne Waare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Axmed madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo waftigiisa ,waxaana waftiga gaaray kismaayo la socda wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamul gobaleedka Hir-Shabelle.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada Kismaayo,kuwaasoo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading