Madaxweyne Xaaf “Gaalkacyo Nabad ha ku faanto, Shangaani oo Xabad ka dhaceyso” (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Nasiib darro ku tilmaamay xaalada ammaan xumo eek a jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlayay Banaan-bax lagu xoojinayo Nabadda iyo Isdhex-galka Bulshada Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in Nabaddu ay tahay Aas aaska Nolashada, hadii la waayana aysan jirayn Nolal iyo Hormar.

Waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Magaalada Gaalkacyo oo ay hareeyeen Dagaal sanado kahor dagaalo, ay maanta tahay Nabad, Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho ay xabad ka dhacayso.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Sheegay in uu dhowaan rajeynayo in aysan jirin cid la dhex marta Gudaha Gaalkacyo Hub iyo Gaadiidka Dagaalka, isagoona alle ka baryay in Colaada iyo Abaaraha uu ka dulqaado Shacabka Soomaaliyeed.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading