Madaxweyne Xaaf oo booqasho aan la shaacin ku jooga Puntland

Xaaf Madaxweynaha galmudug waxuu jooga Garowe,kadib booqasho aan la shaacin oo uu kusoo gaaray halkaas.
 
Wada hadalo albaabadu u xiran yihiin ayuu ku la leeyahay Madaxweyne Gaas Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe.
 
Si dhab ah looma shegi karo arimaha y ka xaajoonayaan,balse ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya baahida ugu weyn ee keentay iin Madaxweyne Xaaf Garowe yimaado ay tahay iyadoo khadka Taleefoonada ee koonfurta Somaliya la dhagaysto.
 
Madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Xaaf ,ayaa maalmaha soo socda isku sii raaci doona magaalada Baydhabao si ay uga qaybgalaan shirka amniga qaranka ee halkaas la qorshaynayo in uu ka dhaco.
 
Xaaf ayaa waxaa hada ku socda weerar siyaasadeed oo ay soo abaabushay Villa Somaliya,iyadoo uu diiday in uu qayb ka noqdo waan-waan ay ka dhex bilowday isla dowlada Fadaraalka ah isaga iyo garabka kasoo horjjeeda.
 
Xaaf ayaa u arka Dowlada Fadaraalku in ay tahay iyadu mida khilaafka iyo kala qaybsanaanta Galmudug masuulka ka ah.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading