Madaxweyne Xaaf oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle  Geelle Xaaf oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku fashilantay dhismaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha maamulka Galmudug ay Cabasho u soo gudbiyeen, islamarkaana ay u sheegeen in aysan jirin Xildhibaano ay soo xuleen oo dowladda dhexe ee Soomaaliya Jeebkeeda ka waddo.

Waxaa uu xusay in cabashooyin badan ay kasoo gaareen qeybaha kala duwan ee bulshadda degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana uu ka shaqeyn doono dhismaha maamul loo dhan yahay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa shalay magacaabay Guddi doorasho oo Galmudug ah, talaabadan ayaa ka hor-imanaysa qorshaha maamul u sameyta ee ay horkacayso Wasaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading