Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay inay kala go’een Ahlu-sunna iyo Galmudug

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay  in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug iyo in uu ogolaaday inay doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo sheegay in lagu qabanayo Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa  War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.


Qoraalka Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda mid dib ugu celinaya Maamulka Galmudug ka sidii uu ahaa ka hor heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,isla markaana uu fariisin ka sameysanayo Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading