Madaxweyne Xaaf oo kulamo ka wada Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Dowlad Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Godinlabe ayaa Sanad iyo bilooyin kadib xalay lagu soo dhaweeyay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf oo fariisin u aheyd Magaalada Dhuusamareeb ayaa isaga soo guuray kadib markii ay is khilaafeen Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug oo heshiis la galay dowladda Federaalka, waxaana Xaaf Cadaado kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ee matalada Galmudug iyo qaarka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.

Xarunta Madaxtooyada ee Magalada Cadaado ayaa la dejiyay Madaxweyne Xaaf halkaas oo la sheegay in uu ku Shaqeyn doono, waxaana xilligii uu Madaxweyne xaaf kasoo baxayay deegaanka Godinlabe Cadaado u soo gelbiyay Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee laga soo doortay Magalada Cadaado iyo Madaxweyne Xaaf ayaa xalay kulan gaar ah waxa uu ku dhexmaray Madaxtooyada Magalada Cadaado, iyaga oo ka wada hadlayay waxyaabaha kusoo kordhay xaalada Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading