Madaxweyne Xaaf oo magacaabay Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta waxaa uu magacaabay Xubnaha Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug kuwaas oo ka kooban 11 xubnood.

Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn uga soo horjeestay hanaanka dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda Federaalka  Soomaaliya ay waddo, waxaana muuqata inuu dhismaha Maamulkaas uu haatan lugaha la galay Khilaafyo xooggan.

Warka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Beelaha degaanada maamulka Galmudug ay sheegeen in xildhibaanada Galmudug ay qeyb sadeen Ahlusunna iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana Inta badan la badalay Saxiixayeyaasha maamulka Galmudug ee Odayaasha dhaqanka.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading