Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Mudane Joe Biden.
Madaxweynaha,ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Somaliyed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha dalka Maraykanka,ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Somaliyed.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.