Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka,ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27,ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Somaliyed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.




Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.