Madaxweyne Xasan oo xilkii kala wareegay Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Somaliya.

Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ku guuleysatay dacwadda badda ee kala dhexeysay Kenya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub isla markaana uu garab taagan yahay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading