Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Adis-ababa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa goor dhaweyd gaaray magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay.

“Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah” ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxtooyada Somaliya weli wax faah-faahin ah kama bixin safarka Madaxweynaha ee Itoobiya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading