Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh oo ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa

Ciidammo katirsan Dowladda ayaa rasaas ku furay gaari uu saarnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo marayay agagaarka Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarka, waxaana jirta xiisad kacsanaan ah ka dhalatay rasaaseynta Madaxweynaha, oo dhacday xilli uu ku wajahnaa shir ay lahaayeen Midowga Musharixiinta.

Ciidanka ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa horey labo weerar ugu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ka kala dhacay Hotelka Maa’ida iyo guriga uu ka degan yahay Muqdisho.

Jibril Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading