Madaxweynihii hore Sh.Shariif iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Garowe

Waxaa goor dhoweyd magaalada Garoowe siweyn loogu soo dhoweeyey madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafti uu kamid yahay.

Wafuuddaan oo ka soo kicitintay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe siweyn ugu soo dhoweeyey madaxda ugu saraysa dowladda Puntland oo ay ka qaybgeli doonaan munaasabaddooda caleem asaarka.

Waxaa hadda laga sugayaa magaalada Garoowe madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Garoowe gaaray daqiiqado kadib markii uu wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahin Farmaajo ay gaareen magaalada Garoowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading