MAGACAABID IYO ISKU BEDEL TALIYAYAASHA QEYBAHA BOOLIISKA EE GOBOLADA NUGAAL, KARKAAR , GARDAFUU IYO SANAAG.

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 24-ka Juune 2023, kuna saabsan magacaabid iyo Isku bedel Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

4. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu

5. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading