Magacyada 7 Xisbi oo laga hirgaliyay Somalia (Akhriso)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, taasoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano.

Hadaba idil News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa magacyada axsaabta shahaadada la siiyay, guddoomiyeyaashooda iyo xarunta.

 

Halkan Ka Akhriso

1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.

3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.

4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga,  Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.

5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe

6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden

7. Xisbiga Horumarinta; Suleymaan….lama yaqaano

Axsaabtan shahaadada la siiyay waxaa ay horudhac u yihiin kuwoo badan oo sugaya in la siiyo shahaado iyo qaar kale oo aan weli diiwaan-gelin, waa tilaabo loogu dhawaanayo in Soomaaliya ka guurto qaabka qabaliga ah oo u guurto in dadka isku baheystaan qaab fikir iyo aragti ah iyo doorashada 2021-ka noqoto mid axsaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading